Ereyga “magool” qofba si ayuu u adeegsadaa. Sida ku qoran Qaamuuska ay qoreen Prof. Cabdalla Cumar Mansuur iyo Annarita Puglielli – waa dhir xilli jiilaal ah caleemo bixisay. Macnaha kale ee ereygu waa „fufitaan” oo ah, dhir soo baxaysa oo cagaarkeedu iftiimey. Marka Af iyo Magool la mideeyo, waxaa soo baxaya af cuddoon; taasna waa ujeedada dhabta ah ee buuggu salka ku hayo.weiterlesen