Waxaa jira qoysas baabuur leh, maqaasiinka ay bariis iyo baasto ugu raseysan yihiin, bilkastana neef ari ah qasha. Balse gurigu meel buugta la dhigto uusan lahayn, kuwa ilmaha iskoolka laga soo siiyana aan daryeelin. Sidee bey carrurtooda qoyskani kula tartamiyaan, kuwo buugta aqrista? Afka iyo dhaqanku waa caynka qoyska isku haya, hadduu go’ana, xaaladdu waa kala guur. Buuggu dadkoo dhan buu ku habboon yahay, gaar ahaan qoysaska ilmaha leh, si ay u wada aqristaan. Qoruhu wuxu filayaa, in sheekooyinka qumbahan ku jiraa, aysan aqristaha faraha iyo faruuryaha dufan ku reebin, balse ay maskaxdiisa quud aqooneed u noqdaan.weiterlesen